8:00AM - 6:00PM
Saturday to Wednesday
Doorasho: “Gablan, Mise Garwadeen Daacad Ah”!
Hoggaan xun ama hoggaan la’aan ayaa loo aaneeyaa dhamaan mashaakilka soo foodsaara aadamaha. Dhamaan waynu ka wada dheragsanahay jahwareerka siyaasaddeed ee dalka Sri Lanka. Waxaa dhanka kale iyana dhacay is-casilaadii ra’isul wasaaraha Boqortooyadda Midowday ‘UK’, Mud. Boris Johnson. Waxaa loo sababeeyayiyana xil gudasho la’aan, been uu sheegay iyo karti xumo. Waxaa sababay qallalaasaha siyaasadeed ee labadaa dal oo ku kala yaal Aasiya iyo Yurub, waa hal shay ‘hoggaan xumo’.Cali Axmed Raabe (Seenyo) ayaa yidhi, ‘Qoom hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hanaqaado.’
Way kala cadyihiin farqiga u dhexeeya hoggaamiyaha fiican iyo kan xun.
Kan hore, hoggaamiyaha fiican, sida ay qabto cilmi-baadhistii ugu dheereed oosocotay wax ka badan 50 sano oo ay samaysay Gallop kuna samaysay 20,000 oo qof ayaawaxay muujisay in hoggaamiyaha fiican uu saddex shay xoogga saaro: (1) waxay xoojiyaan, dhisaan, maalgelin dhameystiran ku sameeyaan kobcinta xirfadooda hoggaamineed. (2) waxay isku hareereeyaan dad aqoon, karti iyo waaya’ aragnimo iyaga ka sareeya. (3) waxaydadaal badan galiyaan inay fahmaan dadka ay hoggaamiyaan.
Cilmibaadhis kale oo ay sameeyeen labada cilmi-baadhe ee Kouzes iyo Posner (2017), iyagoo su’aalo waydiiyay dad kor u dhaafaya 75,000 oo qof, waxay ku soo uruuriyeenafar sifo oo uu hoggaamiyaha fiicani kaga duwanyahay kuwa kale: daacadnimo, aqoon, hiraaliyo kicin.
Marka aynu isu geeno labadaa cil-baadhiseed, waxaa inoo soo baxaya in hoggaamiyaha fiicani leeyahay saddex sifo oo kala ah: hiraal (vision), karti (competency), iyo karaamo (integrity).
Kan danbe, hoggaamiyaha xun, sida ay Barabara Kellerman (2004) qabto, hoggaanka xun waxa lagu gartaa laba shay: wax qabad xun iyo ka madhnaan qaayo-soor(values). Tan hore waxaa sababa aqoon darro iyo ad-adayg. Halka dan danbe ay sababto jahli, khiyaamo, iyo doqonnimo. Isla Kellerman waxay buuggeed caanka ah ‘Bad Leadership’ ama Hoggaanka Xun, ku xustay una kala saartay hoggaanka xun toddobo nooc: (1) kuwo aanxirfad hoggamin laheyn (incompetent); (2) kuwo qallalan oo aan isla beddelin xaalada (rigid);(3)kuwo aan naftooda ka adkayn (intempetrate); (4) kuwo axmaqyo ama manaxayaal ah (callous); (5) kuwo musuqmaasuq dilooday (corrupt); (6) kuwo aan waxba kala socon xaaladabulshada ay hoggaaminayaan (insular); (7) kuwo aan wax khayr aan Lahayn (evil). Ablablaynta Kellerman ee marna labda ah marna toddobada ah isma hor imanayaan.Saddexda hore waxa ay la xidhiidhaan wax qabad, afarta danbana waxa ay la xidhiidaan qaayo-soor la’aan ama akhlaaq xumo.
Afrax (2002), buuggiisii ‘Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay’, Soomaalida wuxuu ku tilmaamay ‘ummad gablan ah’. Isagoo arintaa cadeenayana wuxuu yidhi ‘Saamaalidu waa ku guul daraysatay in ay dhasho hormuud ama garwadeen leh daacadnimo dal lagu hoggaamiyo.’
Dhibaatada hoggaan xumada waxay saameyn weyn ku leeyihiin dhamaan nolosha qofka Soomaaliga ah, hadday tahay masaajida, madaarista, ururada samafalka, goobaha waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xarumaha dawlada. Si arrimaha loo xaliyo waxaan u baahanhay inaan fahano halkay sarta ka qurunsantahay! Musiibada ku habsatay Soomaalida Geeska Afrikada degan waa hoggaan xumo. Xalkuna waain la helo hoggaan wanaagsan. Sida qudha ee lagu heli karo hoggaan wanaagsan waa in la beddelo qaab-fekerka qofka Soomaaliga ah! Waxaa Soomali hoggaamin kara qof leh hiraal, karti iyo daacadnimo. Sidoo kale leh qaab-feker ka duwan kan tagtadii shalay iyo joogtada maanta, lehna awood feker curin.
Cabdinaasir M. Sahal waa qoraa, bare jaamacaddeed, la talliye arrimaha hoggaaminta iyo aasaasaha Hoggaamiye Consulting.
The great explorer of the truth, the master-builder of human happiness no one rejects dislikes avoids pleasure itself because it is pleasure but because know who do not those how to pursue pleasures rationally encounter consequences that are extremely painful desires to obtain.
Read More