Dalka Tuniisiya waxa ka dhacay sanadki 2011 kacdoon shacab oo uu dhaliyay cadho ay shacabkaasi in badan isku celinayeen. Way kugulaysteen inay iska kiciyaan kaligi taliskii dusha kaga fadhiyay mudo ku dhow 30 sanno. Balse miyey heleen shacabkii waxay doonayeen oo ahaa xoriyad, nolol fiican, shaqo abuur iyo in laga dhagaysto dareenkooda oo latixgaliyo doonistooda? Jawaabtu waa MAYA! Shacabka Tuniisiya lagama hoos qaadin dhagna jalaq loma siinin waxa ay doonayeen. Waxaa yimid Zaynul al-Ibidiin oo ahaa hogaamiyihii talada laga riday kadib waxa yimid maamulo aan hirgalinin doonista shacabka. Marlabaad waxaa kacay shacabkii oo doonaya nolol! Kacaankan markan wuu ka duwana kii hore, kan cidi kuma dhiman qofna waxba kuma noqon.
Waxay ahady maalmo kahor markii shacabka Tuniisiya ay udareeren goobihi doorashada madaxwenaha kadib markuu geeriyooday madaxweynihi dalka iyago raba inay soo doortaan madaxweyne cusub. Waxaa dhacay arin taariikhda dunida ee aadamaha kucusub, arin la’odhan karo waa mucjiso oo kayaabisay dadka darsa siyaasadaha dawladaha caalamka. Waa dhacdo taariikhiya oo ugub ah! Arinta xiisaha leh ee udub dhexaadka u ah dhacdadaa waa shakhsiga ay reer Tuniisiya udoorteen madaxweynaha, waa Bare Sarre Kais Saied. Hadaba waa kuma shakhsigaa kayaabiyay caalamka oo ay reer Tuniisiya madaxweynaha udoorteen? Waa maxay sifaadka gaarka uu leeyahay Ustad Saied? Muxuu kayidhi markuu guulaystay guushiisa? Maxaa laga barankaraa dhacdadan taariikhiga ah?
Ugu horayn Kais Saied ama Qays Saciid waa aabo saddex caruur iyo xaas leh oo da’diisu tahay 61 jir. Wuxuu ahaa Barre Sare oo wax kadhiga Jaamacada Tuniisiya, Kuliya Qaanuunka. Wuxuu ahaa shakhsi dadka Tuniisiya aynan waxbadan kagaranayn ama qaarkood ama intooda badan maqal magaciisa. Wuxuu ahaa xeeldherayaashii wax ka qoray Dastuurka Dalka Tuniisiya yeshay kadib kacaankii Gu’ga Carbeed kucaabaxay ee 2011 kaasoo dhaqan galay sanadki 2014. Waxuu isku sharaxay madaxtinimada dalkaa isagoon xisbina katirisanayn sidoo kalana aan dhaqaale farabadan kubixin marka laga reebo dhaqalihii uu isagu lahaa mooyaanee. Waa shakhsi kutilmaaman musuq la’aan oo ay doorteen dhallinta dalkaa 90% oo da’doodu udhaxayso 25-30. Waa shakhsi ay reer Tuuniisiya ay kutilmaameen ‘Rajadda Tuniisiya’. Wuxuu sidoo kale aan ku ololayn barnaamijka siyaasadeed oo qoran, kaliya dadka waxuu usheegay inuu fulin doonoo dadku waxay doonayaan oo kushaqayn doono rabitaanka dadka dhinaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Kais Saied waxaa lagu tilmaami karaa ‘Mahathma Ghandhi-ga’ Tuniisiya waayo wuxuu leyahay shakhsiyad isdhuldhigid badan, shacabkiisa ku dhexjira aan cidina waxba udhimin. Waxaa sidoo kale la’odhan karaa waa ‘Mudane Nadiif ah’ ama ‘Mr. Clean’. Waxyaabaha ugaarka ah uu leeyahay waxaa kamida inuu luuqada Carabiga ee faseexa ah ku hadlo taasoo leh sixir dadka soo jiidanaya oo ay jeclaanayaan dadka dhagaysanaya. Waa hogaamiyha kaliya ee Carab ah ee kuhadla luqada faseexa ah goob kasta oo uu joogo. Waa shakhsi dhedhexaad ah oo aan raacsanayn dhinacyada siyaasada dalkaa ku loolamaya. Kais Saied waa shakhsi kasoo jeeda qoys aan siyaasada hore uga muuqan iyo sidoo kale aan lahay hanti ama magac uu dadka kusoo jiito. Wuxuu kaliya lasoo shirtagay inuu yahay qof utaagan iskuhaynta dadka iyo dalka Tuniisiya oo mida. Waa khakhsi aan wadan shahaadada PhD –da aan sidoo kale qorin buug ama maqaalo farabadan. Waa qof run ahaantii helay laba shay oo ay adagtahay in siyaasi helo: kalsoonida shacabka iyo rabitaanka bulshada gaar ahaan da’yarta.
Markuu guulaystay Kais Saied, Madaxweyaha cusub ee Tuniisiya waxuu shacabka kulahadlay oo yiri, “Waxaynu ku wajaheenaa dhamaan caqabdaha nahoryaala dhiigeena, dhididkeena iyo rabitaankeena xoogan, gaar ahaan dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo arima bulshada maxaa yeelay dadka Tuniisiya waxay filayaan xal u helidda arrimahan” (Sophie, 2019). Waxaa sidoo kale soo xigtay hadalka Kais Saied, Imran oo ah barnaamij daadihye kana tirsan TV-ga TRT ee dalka Turkiga laga leeyahay waxuuna sidan uxusay muuqaal lagasoo tabiyay kadib dorashada oo guushu kuraacday musharaxa madaxa banaan ee Kais Saied oo helay 73.27%“ Muwaadiniinta dalkan aadka uwayn, manta waxaad doorateen idinkoo xor ah, waxaad sidoo kale ixtiraamteen kacaankii idinkoo siyay micne cusub” (Imran, 2019).
Dhacda kasta oo taariikhda gashaa waxaa laga bartaa casharo khibradooda loo gudbiyo jiilalka soosocda. Kama duwana waxa kadhacay dalka Tuniisiya kuwa horay udhacay marka laga eego darsiga ama casharka laga barankaro. Waxaase mudan inaan xusno dhacdadan maxaan kabarankarnaa? Marka koowaad, waxaa xaqiiqooday riyadii dadka Tuniisiya ee ahayd inay dooran karaan cida ay doonaa. Marka labaad, waxaa dhab noqotay in democracy-ga dalka Tuniisya uu gaaray xaalad dhamaystiran oo ah qofka codkiisa ciduu doono uusiiyo lana tixgalliyo. Marka xigta, magaca iyo hantida laguma kasban karo rabitaanka shacabka iyo doonistooda. Marka afaraad, aqoon farabadan, magac aad bulshada ku dhex leedahay, iyo mansab laguma helo markasta jagada ugu sareeysa dalka. Taa waxaa ficil ahaan umuujiyay dadka Tuniisiya oo iska diiday rag intaa aan soo sheegnay leh oo doortay shakhsi lagu tilmaamay nin aan hanti badan haysan, magaciisana inta maqashay ay aad uyartahay. Waa mucjiso ayaan odhan karnaa! Ugu danbayn, tira yar ayaa ka guulaysan karta koox farabadan oo leh hadaf, damac iyo doonis shakhsi.
Tuniisiya waa dal sanadihii ugu danbeeyay dunida tusay in cid, qof ama awood is-hortaagi karta rabitaanka dadka anay jirin. Waxay ahayd markay iska rideen reeryadii iyo dulmigii saarnaa sanadii 2011-ka. Imika oo ay tahay sanada 2019 waxay markale iska rideen oo ay iska diideen hoogaan aan waxba ugu oolin oo aan baahiyahooda kajawaabaynin. Waa taa tusaalaha fiican ay dadka reer Tuniisiya ugu midoobeen dantooda iyagoo adeegsanaya codkooda doorteena cidii ay iyagu doonayeen. Shakhsiga ay doorteen reer Tuniisiya cida uuyahay, sifaadka gaarka ah ee uuleyahay, hadalkii uu shacabkiisa ujeediyay iyo casharada laga barankaro waxay gabi ahaanba ina tusayaan in shacabka dalka ay tuseen dunida in ladhallin karo is-abaabul ka yimaada dadka oo ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda. Waxaynu arkaynaa waa Tuniisiya cusub! Tuniisiya oo dooratay macalin ah shakhsi xishood badan laakiin dhiiran oo aan runta kagaban. Waxay sameeyeen kacaan cusub oo markan qofna kudhiman, kacaan ah codkaaga sii cidaad rabto. Da’diisa iyo xeeldheerida xaga sharciga, waxay dadka Tuniisiya kafilayaan inuu noqdo aabbihii ilaalin lahaa kacaankaa shacabka waxkastaba haku qaadatee haday noqotana naftiisa uhibayn lahaa si dadkii doortay ay u arkaan hogaamiyahoodii oo lajira, jirayana danahooda, kana ilaalinay waxii dhibaya. Heesta calanka Tuniisiya qaybkamida ayaa waxay odhanaysaa “ Inagu aan dhimano, wadankuna hanoolaado.”

Raadraac

Garda, I. (Producer). (2019, October 16). Tunisia’s New Leader. (Television Broadcast). Istanbul, TRT The Newsmakers.
Ribstein, S. (Reporter). (2019, October 15). Tunisia Election: Young Voters Hand Kais Saied A Landslide (Televion Broadcast). Berlin, DW News.