HOGGAAMINTII MAHATHIR

“Dadka lama maamuli karo. Alaabada ayaa la maamuli karaa; dadka waa la hoggaamiyaa.”

Murti aan ka hayo Saciid Cali Shire ‘aqoonyahanka Soomaalida, dadkooda ayey wax ka qoraan
ee wax uma qoraan’, waa tan igu dhiirrigelisay inaan afkayga hooyo wax ku qoro oo aan
dadkayga ugu qoro af ay fahmayaan oo aan af celin (interpreter) tarjumaanba (translator), ama
hal tebin aysan cidna marti uga noqon.
Cilmigan hoggaaminta waa cilmi afaf badan lagu qoray haba ugu badnaado afka
Ingiriisiga. Buugaagta ka hadlaysa cilmiga hoggaaminta ee afka Soomaaliga ku qoran waa fara
ku tiris. Ogaalkeyga waxaa ugu caansan afar buug oo kala ah: Hoggaaminta Wanaagsan oo uu
qoray Dr. Cabdi Shire Warsame, Xilkas: U Hoggaami Si Raadeyn Leh oo uu qoray Cabdikariim
Cismaan Jaamac, Hoggaamiye Isbedel Horseeda oo uu qoray Saciid Cali Shire iyo Horumarka
Turkiga iyo Hoggaaminta Erdogan oo uu qoray Sh. Maxamad Idiris Axmad.
Walise Af-Soomaali laguma qorin hoggaaminta siyaasadda (political leadership). In
taariikh siyaasadeed hoggaamiye wax laga qoro, oo badka la soo dhigo ra’yi la miiray, cilmi
cusub, kaas oo ku yimid akhris dheer, cilmi baadhis, hilaadin, deetana miiddii la murtiyeeyo
iyadoo garaadka (natural intelligence) la tuujinayo, lana keenayo ra’yi wax dalooliya (insight),
oo ka soo maaxday maskaxda, waa markii ugu horreysay ee arrintaa cidi u istaagto. Waa dhigane
ka hawaale warramaya hoggaamin siyaasadeed maskaxda nadiifinaysa (refinement of the mind).
Hoggaaminta siyaasadda waa u sahan tag iyo ka midho dhallin nolol horumar leh;
horumar waa nolosha bini’aadamka oo ku xidhan taariikhdii tegtay, laakiin raasamaal ah,
waqtiga la joogo sida lagu nool yahay iyo dhibaatooyinka yaalla sida loo rogrogayo ee looga
tallaabsanayo iyo tabaabushaha loo dhiganayo mustaqbal waqtiga la joogo ka wanaagsan oo ka
kheyr badan. Buug marka uu ugu wanaagsan yahay waxa weeye halka laga qiyaas qaato dhaqan
kolba halka uu marayo (the quality of culture).
Siyaasaddu (politics) waa in la isku wado dad kala dano duwan, iyadoo la raalli-galinayo
dhinacyo kala feker iyo dano duwan. Halka hoggaamintu (leadership) tahay raalli-galinta
hiraalka. Hoggaaminta siyaasaddu (political leadership) waxay noqonaysaa raalli-galinta danaha
dad kala duwan iyadoon laga tanaasuleyn hiraalka.
Dhiganahan waxa uu ka hadlayaa hoggaaminta siyaasaddii Tun Dr. Mahathir Maxamad,
oo laba jeer ra’iisul wasaare ka noqday dalka Malaysiya (1981-2003 iyo 2018-2020), oo celcelis
ahaan noqonaysa 25 sanno, ama rubuc qarni.

Xasan Sh. Muumin, AHUN, mar uu ka hadlayay qoraalka hungurimarka leh ayaa yidhi,
‘Carrabka qaldi maayee, sidii caanaha qudhqudhi.’
Hadalkuba wuxuu ku dhan yahay weedhii uu yidhi hobolkii Cabdi Sinimoo’e, AHUN,
‘Wixii la qoraa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay’.

Related Posts