HOGGAAMIYIHII SINGABUUR

INTII AKHRIDAY AMA AAN FURSAD u helin inay akhriyaan buuggaygii kan ka horeeyay,
ee aan ka qoray hoggaamiyihii dalka Malaysiya, Tun Dr. Mahathir Mohamed, ‘Hoggaamintii
Mahathir: Ka Baro 21 Cashar’, 1 waxaan inni leeyahay ku soo dhawaada xasuustii barisamaadka
iyo bogagga taariikhda. Qalinkaygan surma seega badan, ee marar badan sidii dhallaanka u
hadaaqa, markan diiraddiisu waxay dul heehaabaysaa baladkii Singabuura iyo koonfur bari
Aasiya. Waxa sidoo kale daqiiqadda wareegtaa ina duljoojin doontaa waayihii iyo waqtigii
adkaa ee soo saaray hoggaamiye da’ yar, lahaa han aan duurufuhu loodin karin. Waa
hoggaamiye Lee Kwuan Yew (Lii Kuwaan Yuu).

Fogaan arragnimada dhugmadu weheliso markaan dareemo, hortayda waxa la soo
mariyaa meerisyadii Timacade ee odhan jiray, ‘ ummaddiba maruunbay heshaa macallinkeedii.’
Anigoo cabiraya in cabudhsannaanta qofka ka saaro naftiisa oo soo bandhigo waxa
ka dhex guuxaya; waayo qalinku nafis ayuu wataa aad ku qori karto oohintaada. Waxuunbay iga
tahay, maalinkan maanta ah, inaan waayaheyga aanan laabta ku heysan, ee taa beddelkeeda aan
rabo inaan walaallada la qeybsado mashruucii nololeed ee ugu weynnaa taariikhda casriga ah, ee
ilaa imika ammin ku siman 70 sanno laga sheekeeyo.
Sheekadeennu waxa ay daarantahay dalka Singabuur iyo hoggaamiyihii guntiga dhiisha
iskaga dhigay siduu u dhisi lahaa dad iyo dal mar qudha. Waa sheeko aan laga geyoonayn,
sadarro fara badanna qaadan doonta. In aan wax ka qoro hoggaamintii hanaqaaday ee Mudane
Lii Kuwaan Yuu, waxa ay ahayd mas’alo culus. Waa se mas’alo aan u badheedhay ka
jibakeeniddeeda, Rabbina uu igu garabgalay.
Intaad akhrinayso oo aad dhex mushaaxayso bogagga buuggan waxa aad ka jawaabi
doontaa weyddiimo dhawr ah:
1. Waa maxay hoggaamin?
2. Hoggaaminta ma loo dhashaa, mise waa xirfad la barto?
3. Waa kuma hoggaamiyaha looga qaateenka ah?
4. Kumaa Soomaali hoggaamin kara?
5. Sidee waxqabadka hoggaamiye loo cabbiri karaa?
6. Waa maxay han?
7. Ma waqtiga ayaa sameeya hoggaamiyaha, mise hoggaamiyaha ayaa waqtiga qudhiisa
qaabeeya?
8. Sidee buu u dareen gelin karaa hoggaamiyaha dadka intiisa kale?
9. Hoggaamintu suurtoggal ma tahay iyadoo qofku uu ku foogan yahay ka jibakeenka
danihiisa gaarka ah?