Dadka lama maamuli karo. Alaabada ayaa la maamuli karaa; dadka waa la hoggaamiyaa.

Murti aan ka hayo Saciid Cali Shire ‘aqoonyahanka Soomaalida, dadkooda ayey wax ka qoraanee wax uma qoraan’, waa tan igu dhiirrigelisay inaan afkayga hooyo wax ku qoro oo aandadkayga ugu qoro af ay fahmayaan oo aan af celin (interpreter) tarjumaanba (translator), ama hal tebin aysan cidna marti uga noqon.  

Cilmigan hoggaaminta waa cilmi afaf badan lagu qoray haba ugu badnaado afkaIngiriisiga. Buugaagta ka hadlaysa cilmiga hoggaaminta ee afka Soomaaliga ku qoran waa faraku tiris. Ogaalkeyga waxaa ugu caansan afar buug oo kala ah: Hoggaaminta Wanaagsan oo uuqoray Dr. Cabdi Shire Warsame, Xilkas: U Hoggaami Si Raadeyn Leh oo uu qoray CabdikariimCismaan Jaamac, Hoggaamiye Isbedel Horseeda oo uu qoray Saciid Cali Shire iyo HorumarkaTurkiga iyo Hoggaaminta Erdogan oo uu qoray Sh. Maxamad Idiris Axmad.

Walise Af-Soomaali laguma qorin hoggaaminta siyaasadda (political leadership). In taariikh siyaasadeed hoggaamiye wax laga qoro, oo badka la soo dhigo ra’yi la miiray, cilmicusub, kaas oo ku yimid akhris dheer, cilmi baadhis, hilaadin, deetana miiddii la murtiyeeyoiyadoo garaadka (natural intelligence) la tuujinayo, lana keenayo ra’yi wax dalooliya (insight), oo ka soo maaxday maskaxda, waa markii ugu horreysay ee arrintaa cidi u istaagto. Waa dhiganeka hawaale warramaya hoggaamin siyaasadeed maskaxda nadiifinaysa (refinement of the mind).

Hoggaaminta siyaasadda waa u sahan tag iyo ka midho dhallin nolol horumar leh; horumar waa nolosha bini’aadamka oo ku xidhan taariikhdii tegtay, laakiin raasamaal ah, waqtiga la joogo sida lagu nool yahay iyo dhibaatooyinka yaalla sida loo rogrogayo ee loogatallaabsanayo iyo tabaabushaha loo dhiganayo mustaqbal waqtiga la joogo ka wanaagsan oo ka kheyr badan.  Buug marka uu ugu wanaagsan yahay waxa weeye halka laga qiyaas qaato dhaqankolba halka uu marayo (the quality of culture).  

Siyaasaddu (politics) waa in la isku wado dad kala dano duwan, iyadoo la raalli-galinayodhinacyo kala feker iyo dano duwan. Halka hoggaamintu (leadership) tahay raalli-galintahiraalka. Hoggaaminta siyaasaddu (political leadership) waxay noqonaysaa raalli-galinta danahadad kala duwan iyadoon laga tanaasuleyn hiraalka.  

Dhiganahan waxa uu ka hadlayaa hoggaaminta siyaasaddii Tun Dr. Mahathir Maxamad, oo laba jeer ra’iisul wasaare ka noqday dalka Malaysiya (1981-2003 iyo 2018-2020), oo celcelisahaan noqonaysa 25 sanno, ama rubuc qarni.

Xasan Sh. Muumin, AHUN, mar uu ka hadlayay qoraalka hungurimarka leh ayaa yidhi, ‘Carrabka qaldi maayee, sidii caanaha qudhqudhi.’  

Hadalkuba wuxuu ku dhan yahay weedhii uu yidhi hobolkii Cabdi Sinimoo’e, AHUN, ‘Wixii la qoraa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay’.

Post a comment

Your email address will not be published.

Related Posts