Doorasho: “Gablan, Mise Garwadeen Daacad Ah”!
Hoggaan xun ama hoggaan la’aan ayaa loo aaneeyaa dhamaan mashaakilka soo
foodsaara aadamaha. Dhamaan waynu ka wada dheragsanahay jahwareerka siyaasaddeed ee dalka Sri
Lanka. Waxaa dhanka kale iyana dhacay is-casilaadii ra’isul wasaaraha Boqortooyadda Midowday
‘UK’, Mud. Boris Johnson. Waxaa loo sababeeyay iyana xil gudasho la’aan, been uu sheegay iyo karti
xumo. Waxaa sababay qallalaasaha siyaasadeed ee labadaa dal oo ku kala yaal Aasiya iyo Yurub, waa
hal shay ‘hoggaan xumo’. Cali Axmed Raabe (Seenyo) ayaa yidhi, ‘Qoom hoggaan xun iyo qoys
hooyo xun midna ma hanaqaado.’

Way kala cadyihiin farqiga u dhexeeya hoggaamiyaha fiican iyo kan xun.
Kan hore, hoggaamiyaha fiican, sida ay qabto cilmi-baadhistii ugu dheereed oo socotay
wax ka badan 50 sano oo ay samaysay Gallop kuna samaysay 20,000 oo qof ayaa waxay muujisay in
hoggaamiyaha fiican uu saddex shay xoogga saaro: (1) waxay xoojiyaan, dhisaan, maalgelin
dhameystiran ku sameeyaan kobcinta xirfadooda hoggaamineed. (2) waxay isku hareereeyaan dad
aqoon, karti iyo waaya’ aragnimo iyaga ka sareeya. (3) waxay dadaal badan galiyaan inay fahmaan
dadka ay hoggaamiyaan.

Cilmibaadhis kale oo ay sameeyeen labada cilmi-baadhe ee Kouzes iyo Posner (2017),
iyagoo su’aalo waydiiyay dad kor u dhaafaya 75,000 oo qof, waxay ku soo uruuriyeen afar sifo oo uu
hoggaamiyaha fiicani kaga duwanyahay kuwa kale: daacadnimo, aqoon, hiraal iyo kicin.

Marka aynu isu geeno labadaa cil-baadhiseed, waxaa inoo soo baxaya in hoggaamiyaha
fiicani leeyahay saddex sifo oo kala ah: hiraal (vision), karti (competency), iyo karaamo (integrity).
Kan danbe, hoggaamiyaha xun, sida ay Barabara Kellerman (2004) qabto, hoggaanka
xun waxa lagu gartaa laba shay: wax qabad xun iyo ka madhnaan qaayo-soor (values). Tan hore
waxaa sababa aqoon darro iyo ad-adayg. Halka dan danbe ay sababto jahli, khiyaamo, iyo doqonnimo.
Isla Kellerman waxay buuggeed caanka ah ‘Bad Leadership’ ama Hoggaanka Xun, ku xustay una kala
saartay hoggaanka xun toddobo nooc: (1) kuwo aan xirfad hoggamin laheyn (incompetent); (2) kuwo
qallalan oo aan isla beddelin xaalada (rigid); (3)kuwo aan naftooda ka adkayn (intempetrate); (4)
kuwo axmaqyo ama manaxayaal ah (callous); (5) kuwo musuqmaasuq dilooday (corrupt); (6) kuwo
aan waxba kala socon xaalada bulshada ay hoggaaminayaan (insular); (7) kuwo aan wax khayr aan
Lahayn (evil). Ablablaynta Kellerman ee marna labda ah marna toddobada ah isma hor imanayaan.
Saddexda hore waxa ay la xidhiidhaan wax qabad, afarta danbana waxa ay la xidhiidaan qaayo-soor
la’aan ama akhlaaq xumo.

Afrax (2002), buuggiisii ‘Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay’, Soomaalida
wuxuu ku tilmaamay ‘ummad gablan ah’. Isagoo arintaa cadeenayana wuxuu yidhi ‘Saamaalidu waa
ku guul daraysatay in ay dhasho hormuud ama garwadeen leh daacadnimo dal lagu hoggaamiyo.’
Dhibaatada hoggaan xumada waxay saameyn weyn ku leeyihiin dhamaan nolosha
qofka Soomaaliga ah, hadday tahay masaajida, madaarista, ururada samafalka, goobaha waxbarashada,
caafimaadka, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xarumaha dawlada. Si arrimaha loo xaliyo waxaan u
baahanhay inaan fahano halkay sarta ka qurunsantahay! Musiibada ku habsatay Soomaalida Geeska
Afrikada degan waa hoggaan xumo. Xalkuna waa in la helo hoggaan wanaagsan. Sida qudha ee lagu
heli karo hoggaan wanaagsan waa in la beddelo qaab-fekerka qofka Soomaaliga ah! Waxaa Soomali
hoggaamin kara qof leh hiraal, karti iyo daacadnimo. Sidoo kale leh qaab-feker ka duwan kan tagtadii
shalay iyo joogtada maanta, lehna awood feker curin.

Cabdinaasir M. Sahal waa qoraa, bare jaamacaddeed, la talliye arrimaha hoggaaminta iyo
aasaasaha Hoggaamiye Consulting.

Related Posts