8:00AM - 6:00PM
Saturday to Wednesday
Wax Isweyddiin: Barta Isbeddel Ka Curto
Fekerka isbedel doonka ahi waxa aanu sinaba hurayn inuu su’aalo waaweyn ka keeno xaaladdaha markaa lagu jiro.
((Waan karaamaynay aadamaha, waxaan ku qaadnay bad iyo bannaan, waxaan mudnaanta ka siinay in badan oo aan abuurnay)).
Maxay kula tahay qofka itaalkiisa marka loo eego cirka iyo dhulka iyo kuwa ku dhex jira ee aadka u yar inuu ku mutaystay karaamada intaasi le’eg ee Eebihii abuuray ku ladhay? Ma kula tahay inuu ku mutay awood uu abuurka kale dheer yahay? Mise tolow waa isaga oo waxa jira oo dhan ka abuur horreeyay? Mise waxa aynu dhahnaa waa mid iska dabiici ah, oo uu qayb uun noolahani isaga helay?
Waxa aanu shaki ku jirin in sababta keentay inuu abuurka dhammaantii ka mud-naado aanay qodobadaasi oo dhan ahayn. Sida laga wada dheregsan yahay, sababta loo sharfay waa caqliga, kaasi oo xarun u ah awoodda ugu weyn, ugu culus, uguna qaalisan ee Eebe aadamaha oo dhan ku mannaystay ee la yidhaa fekerka, aadamuhu waa noolaha keliya ee ay indhuhu qabtaan ee ku naalooda hadalka, xisaabtanka iyo wax isweydiinta oo dhammaantood la xidhiidha fekerka. Buuggiisa “Thoughts”, waxa Pascal ku qoray: ‘Karaamada banii’aadamku waxay ku jirtaa fekerkiisa’. Buuggiisii caanbaxay ee ‘As a Man Thinketh’ waxa uu James Allen qoray: “Inuu aadamuhu yahay ka fekerkiisa wax ku kala dooran kara”. Mar kale, waxa uu Pascal ku qoray buuggiisa “Pensees”, mid ka mid ah sadaraddiisa ugu magaca dheeraa: ‘Qofka banii’aadanka ahi waa uun “reed”, weliba ka ugu itaalka daran adduunka oo dhan. Laakiin waa “reed” fekera’.
Karaamada banii’aadamku waxay ku jirtaa fekerkiisa.
Waxa uu yidhi Pascal ‘Ma aha koonku inuu qofkani itaalka daran kala jebiyo. Uumi yar ayaa ku filan ama dhibic biya ah inay qofkani disho. Hase yeeshee, maalinta koonku halis geliyo qofkani tamarta daran, qofkii waabu ka sarraynayaa waxii dilayay illeen inuu dhimanayo ayuu ogyahaye, koonkuna kama war qabo qofkani itaalkaasi leh inuu ka rayni karo’. Murti hindiya ayaa tidhaa: ‘Adigu waxaad maanta joogtaa halkii ay afkaartaadu ku keentay, berrina waxad tegi doontaa halkay afkaartaadu ku geyso’.
Waxyiga Nebi Maxamad (CSW) dunida loogu soo dhiibay ayaa sheegaya: ‘ Haddii aad ku mahadnaqdaana waan idiin kordhini, haddii aad ka gaalawdaana daranaa ciqaab taydu’. Oo Maxaa loo ciqaabayaa hadduuna qofku labada doorasho midkood qaadan karayn?
Waxa kale oo uu Eebe leeyahay: ‘Annaka ayaa jidka ku hanuuninay, haku mahadnaqo ama haka gaaloobo’. Oo ma hadduuna fekereyn ayuu labadani qodob midkood kala doorani oo uu go’aan ka gaadhi lahaa.
Buuggiisii weynaa ee “The Master Key System” ayuu Charles F. Haanel ku dhigay: ‘Fekerku waxa uu kuu hoggaamiyaa ficil. Hadaba, haddaynu rabno inaan salka ficilkaasi ka bedelno, waa inaynu fekerka bedelnaa, sida keliya ee fekerka lagu bedeli karaana waa inaynu dhaqan maskaxeed caafimaad qaba gelinaa; barta ay xaaladaha maskaxeed ee ku suntan khuraafaadka, xaglinta iyo isku dhexyaacu ku jiraan. ’
Haddiiba lagu weydiiyo inaad saddexdani arrimood midkood doorato, in nafar bariis ah laguu qaado, in lagu geeyo Las Vegas, iyo in lagaa hawlgeliyo kastanka cashuuraha ee kalabaydh, iyamaad doorani lahayd? Waxanu shaki ku jirin inay maskaxdaadu intay sidaasi isu rogto mar keliya ku sheegi lahayd qodobka kuugu weyn. Intaanad jawaabta dhiibin, waxay maskaxdaadu samaysay ficil, kaasi oo ay ku qabatay muddo aad iyo aad u kooban. Way FEKERTAY!!!!!!!!!!!!
The great explorer of the truth, the master-builder of human happiness no one rejects dislikes avoids pleasure itself because it is pleasure but because know who do not those how to pursue pleasures rationally encounter consequences that are extremely painful desires to obtain.
Read More