Fekerka isbedel doonka ahi waxa aanu sinaba hurayn inuu su’aalo waaweyn ka keeno
xaaladdaha markaa lagu jiro.
((Waan karaamaynay aadamaha, waxaan ku qaadnay bad iyo bannaan, waxaan mudnaanta ka
siinay in badan oo aan abuurnay)).

Maxay kula tahay qofka itaalkiisa marka loo eego cirka iyo dhulka iyo kuwa ku dhex jira ee
aadka u yar inuu ku mutaystay karaamada intaasi le’eg ee Eebihii abuuray ku ladhay? Ma kula
tahay inuu ku mutay awood uu abuurka kale dheer yahay? Mise tolow waa isaga oo waxa jira oo
dhan ka abuur horreeyay? Mise waxa aynu dhahnaa waa mid iska dabiici ah, oo uu qayb uun
noolahani isaga helay?
Waxa aanu shaki ku jirin in sababta keentay inuu abuurka dhammaantii ka mud-naado aanay
qodobadaasi oo dhan ahayn. Sida laga wada dheregsan yahay, sababta loo sharfay waa caqliga,
kaasi oo xarun u ah awoodda ugu weyn, ugu culus, uguna qaalisan ee Eebe aadamaha oo dhan
ku mannaystay ee la yidhaa fekerka, aadamuhu waa noolaha keliya ee ay indhuhu qabtaan ee ku
naalooda hadalka, xisaabtanka iyo wax isweydiinta oo dhammaantood la xidhiidha fekerka.
Buuggiisa “Thoughts”, waxa Pascal ku qoray: ‘Karaamada banii’aadamku waxay ku jirtaa
fekerkiisa’. Buuggiisii caanbaxay ee ‘As a Man Thinketh’ waxa uu James Allen qoray: “Inuu
aadamuhu yahay ka fekerkiisa wax ku kala dooran kara”. Mar kale, waxa uu Pascal ku qoray
buuggiisa “Pensees”, mid ka mid ah sadaraddiisa ugu magaca dheeraa: ‘Qofka banii’aadanka
ahi waa uun “reed”, 1 weliba ka ugu itaalka daran adduunka oo dhan. Laakiin waa “reed” fekera’.
Karaamada banii’aadamku waxay ku jirtaa fekerkiisa.
Waxa uu yidhi Pascal ‘Ma aha koonku inuu qofkani itaalka daran kala jebiyo. Uumi yar ayaa ku
filan ama dhibic biya ah inay qofkani disho. Hase yeeshee, maalinta koonku halis geliyo qofkani
tamarta daran, qofkii waabu ka sarraynayaa waxii dilayay illeen inuu dhimanayo ayuu
ogyahaye, koonkuna kama war qabo qofkani itaalkaasi leh inuu ka rayni karo’. Murti hindiya
ayaa tidhaa: ‘Adigu waxaad maanta joogtaa halkii ay afkaartaadu ku keentay, berrina waxad tegi
doontaa halkay afkaartaadu ku geyso’.
Waxyiga Nebi Maxamad (CSW) dunida loogu soo dhiibay ayaa sheegaya: ‘ Haddii aad ku
mahadnaqdaana waan idiin kordhini, haddii aad ka gaalawdaana daranaa ciqaab taydu’. Oo
Maxaa loo ciqaabayaa hadduuna qofku labada doorasho midkood qaadan karayn?
Waxa kale oo uu Eebe leeyahay: ‘Annaka ayaa jidka ku hanuuninay, haku mahadnaqo ama haka
gaaloobo’. Oo ma hadduuna fekereyn ayuu labadani qodob midkood kala doorani oo uu go’aan
ka gaadhi lahaa.

1 Cawsduur

Buuggiisii weynaa ee “The Master Key System” ayuu Charles F. Haanel ku dhigay: ‘Fekerku
waxa uu kuu hoggaamiyaa ficil. Hadaba, haddaynu rabno inaan salka ficilkaasi ka bedelno, waa
inaynu fekerka bedelnaa, sida keliya ee fekerka lagu bedeli karaana waa inaynu dhaqan
maskaxeed caafimaad qaba gelinaa; barta ay xaaladaha maskaxeed ee ku suntan khuraafaadka,
xaglinta iyo isku dhexyaacu ku jiraan. ’
Haddiiba lagu weydiiyo inaad saddexdani arrimood midkood doorato, in nafar bariis ah laguu
qaado, in lagu geeyo Las Vegas, iyo in lagaa hawlgeliyo kastanka cashuuraha ee kalabaydh,
iyamaad doorani lahayd? Waxanu shaki ku jirin inay maskaxdaadu intay sidaasi isu rogto mar
keliya ku sheegi lahayd qodobka kuugu weyn. Intaanad jawaabta dhiibin, waxay maskaxdaadu
samaysay ficil, kaasi oo ay ku qabatay muddo aad iyo aad u kooban. Way
FEKERTAY!!!!!!!!!!!!

Related Posts